La taliyihii Madaxweyne Trump ee arrimaha ololaha doorashada oo xabsiga loo taxaabay

Lataliyihii hore ee arrimaha ololaha doorashada ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu xukumay 14 maalmood oo xarig ah kaddib markii uu been u sheegay saraakiisha waaxda dambi baarista ee FBI-da.

Saraakiishan ayaa waday baaritaannada ku aadan eedeymihii Ruushka ee la sheegay inuu faragelin ku sameeyay doorashadii Mareykanka.

George Papadopoulos oo qiray in falal dambi ah la gaystay ayaa sidoo kale lagu amray inuu 200 saacadood ka shaqeeyo adeegyda bulshada iyo sidoo kale inuu bixiyo 9.5 kun oo doolar.

Papadopoulos oo 31 jir ah ayaa maxkamad ku taalla Washington ka hor sheegay inuu ahaa muwaadiniin dalkiisa jecel islamarkaasna uu khaladaad galay.

Waa qofkii ugu horreeyay ee ka tirsan saraakiishii ololaha Trump oo laxiro tan iyo intii ay bilaawdeen baaritaannada lagu hayo eedeymihii faragelinta Ruushka ee doorashadii Mareykanka 2016-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -