Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo xil sare loo doortay ka dib shirweyne caalami ah oo ka dhacay Geneva (Sawirro)

Shirka Caafimaadka Adduunka kisii 77-aad oo si rasmi ah uga furmay maanta magalaada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H. E. Dr. Cali Xaji Aadan loogu doortay inuu noqdo Madaxweyne ku xigeenka Golaha Shirwaynaha Caafimaadka Adduunka.

Golahan oo sanad walba mar ku kulma Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, ayaa wuxuu lafa-guraa hawlaha hortabinta u leh Caafimaadka Aduunka, waxaana lagu gaaraa go’aamo masiiri ah oo saameeya wadamada Aduunka oo dhan.

Sanadkan waxyaabaha shirkan Caafimaadka Aduunku looga doodaya waxa ugu horeeya hindise ay Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya soo jeedisay, kaas oo ujeedadiisu yahay in Aduunku uu u midoobo yaraynta dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka, si loo gaaro hadafka guud ee golaha, taasaa muujinaysa in Soomaaliya ay ciyaareyso door muhiim ah oo ka dhax muuqda guud ahaan golaha iyo miiska arrimaha Caafimaadka ee Aduunka.

Dhanka kale, waxaa aad looga doodi doonaa qabyo-qoraalka heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga xanuunnada awooda u leh in ay faafaan ee keena cudurada dilaaca ee dhibaato ba’an ku haya guud ahaan dunida wadamo badan oo xaaladahaasi la daalaa dhacayana ay hadda miiska joogaan, waxayna sidoo kale waxay muujinaysaa in dunida meel qura kaga soo jeesatey xal u helida xaalad kasta oo Caafimaad.

Wafdiga Soomaaliya ee uu hogaaminayo  Wasiirku Wasiirka Caafimaadka XFS waxaa ka mid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guled Cabduljalil, Agaasimaha Machadka Caafimaadka Dr. Husseen Muhiyadin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, Agaasime Waaxeedyo iyo Lataliyayaal.

Related posts

Amiirka Guud ee Al Shabaab oo Sagootiyay ragii weeraray xerada Manda Bay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Liyuu Booliis oo afduub iyo dhibaatooyin kale ka geesta gudaha Soomaaliya

Cabdi Cade

Markab deked ku taalla Ukraine ka soo qaaday gargaar Somalia loo soo wado

Caydiid Ali