Xamaas oo shuruud cusub oo adag ku xirtay wadahadal ay la gasho Israel

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, David Barnea ayaa maanta dib ugu laabtay Israa’iil,kaddib kulan uu magaalada Paris kula qaatay agaasimaha CIA-da iyo Ra’iisul wasaaraha Qatar, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Israa’iil.

Sida laga soo xigtay sarkaalka Israa’iil, kulanka, waxay saddexdoodu ka wadahadleen sidii loo dhisi lahaa hannaan loogu talagalay in lagu oggolaado wada-xaajoodyo cusub ee xabbad-joojinta Qasa iyo sii deynta maxaabiista.

Gabagabada kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyay in toddobaadka soo socda gudahiisa dib loo billaabo wada xaajoodka laga soo saarayo hindiseyaal cusub oo ay garwadeen ka yihiin dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar oo uu si firfircoon uga qayb qaadanayo

Waxyar ka hor, Xamaas ayaa sheegtay inaysan wax heshiis ah wada-hadal ka gali doonin illaa Israa’iil ay joojiso dagaalka ay ka wado marinka Qasa, tana waa markii u horreysay oo ay Xamaas shuruud uga dhigto si wada-xaajood ay uga qaybgasho inay ku xirtay joojinta dagaalka.

 

- Advertisement -