Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo si adag uga hadashay Waaranka soo qabashada ah ee loo jaray Hoggaankooda

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee ICC ayaa waaran soo qabasho ah u jartay saddex hoggaamiye oo katirsan ururka Xamaas, kuwaa oo maxkamadda ku eedeysay in xasuuq geesteen ayna qeyb ka yihiin colaada dhiigga badan ku daatay ee Gaza ka socota.

Dacwad oogaha maxkamadda ICC Karim Khan  ayaa sheegay hoggaamiyaha Xamas ee Qaza Yaxya Sinwar, Taliyaha garabka milateri ee Xamaas Maxamed Diab Ibrahim al-Masri iyo hoggaamiyaha garabka siyaasadda Ismaaciil Haniyah inay ka masuul yihiin dembiyo dagaal.

Waxa uu sheegay raggan hoggaanka u ah ururka Xamaas ay galeem dambiyo ka dhan ah bini’aadannimada  oo ay ku jiraan, dilal, qafaalashada la haystayaasha, kufsi, xadgudubyo kale oo dhinaca jinsiga ah iyo jirdil.

Ururka Xamaas ayaa si kulul  u dhaleeceeyey go’aanka ka soo baxay dacwad oogaha ICC ee ah, in la soo xiro saddex ka mida saraakiisha sar sare ee ururkooda, waxa ayna sheegeen Xamaas in dagaalka ay ku jiraan uu yahay is-difaac.

Xamaas ayaana ku eedeeysay dacwadoogah ICC, Karim Khan inuu isku dayayo inuu simo, dhibbanaha iyo qofkii dilka geysanayey, waxa ayna Xamaas sheegeen in kuwa damniga galay yihiin Israa’iil ,halka dhankooda ku jiraan dagaal is-difaac ah.

Waaranka soo qabashada ah ee kasoo baxay dacwada oogaha katirsan maxkamadad ICC ayaa waxaa si isku mid ah uga yimid Israa’iil iyo Xamaas , kuwaa oo midba kan kale ku eedeeyay dambiga dhibka dhacay ayna mudan tahay in lala xisaabtamo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musaveni oo raali gelin siiyey Kenya, kana hadlay sababta loo dalacsiiyey wiilkiisa

Caydiid Ali

Axmed Madoobe iyo wafdi uu horkacayo oo Boosaaso ku sii jeeda

Caydiid Ali

Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Galmudug oo qaaday talaabo lagu diirsaday (Sawirro)

Caydiid Ali