Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo Shaacisay in war farxad leh kasoo socdo heshiiskii ay la galeen Itoobiya

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu xilligan marayo heshiiskii ay la gaareen dowladda Itoobiya.

Waxa uu sheegay wasiirka in heshiiskii isfaham ay la galeen dowladda Itoobiya uu hadda marayo heer gabogabo ah, waxa uuna xusay in dhawaan uu ka soo bixi doono heshiiskaasi wax lagu farxo oo dan u ah labada dhinac.

Wasiir Cali Mareyxaan ayaa sidoo kale sheegay in iskaashiga ganacsi ay la leeyihiin dalka Itoobiya iyo  adeegsiga dekedda Berbera uu kor u kacay muddooyinkii ugu dambeeyay, ayna rejo ka qabaan in uu sii kordho.

Cali Mareyxaan ayaa sidoo kale sheegay in wakiilkii Itoobiya u joogay magaalada Hargeysa hadda loo badelay safiir rasmi ah. Waxa uuna xusay in Itoobiya ay la leeyihiin xuduud dheer ayna lahaayeen muddo 30-sanno xiriir qoto dheer.

“30kii sannadood ee u dambeeyay xidhiidh qotodheer bay lahaayeen sida mid amni iyo ganacsi. Waana dalka xudduuda ugu dheer la leedahay Somaliland. Xudduuda aanu Soomaaliya la leenahay waxa ka dheer ta Itoobiya.sidaas awgeed, wax badan baa iskaga kaaya xidhan dhinaca siyaasadda iyo amniga wax waliba way iskaga ka xidhan yihiin Itoobiya.” ayuu yiri wasiir Cali Mareyxaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya sheegtay in ay xireyso qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa, waxa uuna warkaasi ku tilmaamay mid riyo dhalanteed ah.

“Soomaalidu waxay tidhaa gacan aanad go’yn karayn waa la dhunkadaa ee Soomaaliya inta ay leedahay waxaanu xidhaynaa wax aanay xidhi karayn inay si saaxibtinimo ah ula dhaqmaan Somaliland iyo Itoobiya ayey ahayd,” ayuu yiri Wasiirku.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in heer gabogabo ah marayo hirgelinta heshiiskii ay la galeen Itoobiya, lana maqli doono dhawaan war farxad leh oo heshiiskaasi kusoo kordha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi: “Dowladda Xamar ee AMISOM ilaaliso warkeeda kama duwana Dameer ciyey” (Sawirro)

Caydiid Ali

Amiir Khaled bin Talal oo 11-bil kadib xabsiga laga sii daayay xili uu cadaadis xoogan saaran yahay …

Cabdi Cade

Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali