Ergeygii hore ee QM u qaabilsanaa arrimaha Somalia oo xil cusub loo magacaabay

Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somalia danjire Michael Keating ayaa loo magacaabay xil cusub ka dib markii uu dhameystay muddo xileedkiisii shaqadii uu ka hayey Somalia.

Mr. Keating ayaa hadda loo magacaabay agaasimaha cusub ee Machadka Nabadda Midowga Yurub sida lagu daabacay barta Twitter-ka ee Machadkaas oo xaruntiisu ku taallo magaalada Brusells ee dalka Belguim.

Xilka cusub ee loo magacabay Michael Keating ayaa waxaa baneynaya Martin Griffiths oo agaasime ka ahaa machadkaas dhowrkii sanadood ee la soo dhaafay.

Agaasimaha cusub ee machadka Nabadda ee Midowga Yurub ayaa la sheegay inuu xilka qaban doono 5 November wuxuuna maamuli doonaa shaqaale 30 ka badan iyo Miisaaniyada loogu talo galay machadkaas oo gaareysa lacag ka badan toban milyan oo dollar sanadkiiba.

Martin Griffiths oo ah ninka baneynaya xilka Agaasiimaha Machadka Nabadda ee Yurub ayaa isna loo magacaabay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Yemen oo sanadihii la soo dhaafay ay ka socdeen dagaalo wejiyo kala duwan leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -