Boolis xalay howlgal nooc cusub ah ka sameeyey qaar ka mid ah jidadka Muqdisho

Ciidamada booliska Somalia ayaa xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ka sameeyey howlgal nooc cusub ah oo ka dhan ahaa dhalinyarada sida anshax xumada ah u jartay timaha Madaxa.

Meelaha ugu daran ee howlgalkan uu saameeyey ayaa waxaa ka mid ah degmada Waaberi gaar ahaan Wadada buundooyinka iyo mida Via-Liberia.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada booliska ay gaadiidka dadweynaha kala degayeen, jidadkana ka qabanayeen dhalinyarada madaxa u jartay qaabka reer galbeedka ama jeegada, iyagoo ka dibna si qasab ah timaha fooda uga jarayey.

Ciidanka ayaa marka fooda ka jaraan dhalinyarada iska sii deynayey, iyadoo saraakiisha ciidamadu sheegeen in howlgalkan uu yahay mid lagula dagaalamayo dhalinyarada sida anshax xumada ah u jartay madaxa si loo ilaaliyo diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida.

Howlgalada noocan ah oo looga bartay meelaha ay joogaan Al-shabaab ayaa dad badan ka yaabiyey, qaarkood wey soo dhoweeyeen halka qaar kalena ay dhaliil u jeedinayeen.

Lama oga in amarka lagu fulinayey howlgalkan uu ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo inuu ahaa mid ay go’aansadeen saraakiisha saldhigyada booliska ee degmooyinka laga sameeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -