Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Muqdisho oo xirxiray dhalinyaro caan ka ah baraha bulshada (Sababta)

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa howlgal Muqdisho ka socday 24 saacadood ku soo xiray dhalinyaro isugu jirta gabdho iyo wiilal, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok ka waday kicin bulsho.

Tirada dhalinyarada la soo xiray ayaa ah 21 qof, kuwaas oo bulshada dhaxdeeda ka waday “anshax xumo iyo kala qoqob” sida lagu sheegay qoraalka booliska.

Baaritaan ku saabsan kiisaska loo heysto dhalinyaradaan ayuu bilaabay Booliska Soomaaliya, si looga gun gaaro, cida soo abaabushay falalka ay ku kaceen dhallinyaradaan.

“Waxaa looga digayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan falalka anshax xumada ah, hadalada kicinaya bulshada iyo aflagaadada muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Related posts

Raisul Wasaare Xamse Barre oo hambalyo & bogaadin u diray..

Caydiid Ali

Isra’il oo warqado cusub ku daadisay magaalada Gaza

Cabdi Cade

Gabar kamid aheyd Guddiga Doorashada uu Qoor Qoor soo magacaabay oo liiska laga saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---