Gabar kamid aheyd Guddiga Doorashada uu Qoor Qoor soo magacaabay oo liiska laga saaray

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay war ku aadan in liiska guddiga doorashada heer dowlad goboleed laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo kamid aheyd xubnihii uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Gabadhan ayaa wararka aan helnay sheegayeen in ay is casishay kadib markii Villa Soomaaliya iyo xafiiska Ra’isul Wasaaraha kahor yimid in xubin ka noqoto guddiga doorashada, waxaana lagu eedeeyay in ay taageero u aheyd Badbaado Qaran.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay Xaawo Aadan Yare Culusow laga saaray guddiga doorashada kadib markii lagu eedeeyay in kasoo horjeeday Farmaajo ayna taageersaneyd siyaasiyiinta mucaaradka.

”Waxaa Guddiga doorashada laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo lagu eedeyey in ay Farmaajo ka soo horjeeday, kana tirsanayd taageerayaasha mucaaradka.” ayuu yiri Cabdi Raxmaan Cabdishakuur.

Musharaxa ayaa sidoo kale sheegay in wali guddiga doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ku jiraan xubno badan oo kamid ah taageerayaasha Farmaajo iyo kuwa dhar cad ah, waxa uuna xusay in tani mugdi galineyso dhax dhaxaadnimada Rooble

”Ku dhowaad 20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ah, iyo toboneeyo dharcad ah ayaa weli Guddiga ku jira. Haddii uu sidan ku soo baxo liiska guddiga, waxay tani mugdi gelinaysaa hufnaanta Guddiga iyo dhexdhexaadnimada Raysalwasaare Rooble.” ayuu yiri Warsame.

Arintan ayaa imaaneysa xili la filayo in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ku dhawaaqo guddiga doorashada labada heer iyo guddiga xalinta khilaafaadka si loo guda galo hirgalinta doorasho raali laga wada yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -