Maamulka Gobolka Banaadir oo ka xumaaday Qoraal kasoo baxay Musharaxiinta Madaxweyne

War Qoraal ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir uu hogaamiyo Cumar Finish ayaa mar kale looga hadlay shirkii magaalada Muqdisho dhawaan ku yeesheen Musharaxiinta Madaxweyne iyo baaqii ay kasoo saareen.

Qoraalka kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay ka xunyihiin qoraal kasoo baxay midowga musharaxiinta oo lagu cambaareenayay Madaxda sare ee dowlada federaalka niyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaana ugu baaqay bulshada kunool caasimada qeybaheeda kala duwan in ay ilaashadaan iftiinka u baxay iyo nabad gelyada lagu faani karo ee gobolka Banaadir ka jirta .

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay maamulka Gobolka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -