Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Boqolaal ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray degmada Guriceel (Daawo Sawirro)

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Milateriga Itoobiya  ayaa manata gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan Itoobiyaanka ah oo ka soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ay fariisimo ka sameystay duleedka degmada Guriceel.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee gaaray degmada Guriceel ay wateen taangiyo iyo hub kale o oculus, lamina oga illaa hadda sababta ay halkaas u tageen.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugan degaano badan oo ka tirsan gobolada bartamaha iyo koonfurta Somalia, waxaana qaarkood ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com        

Related posts

Afhayeenka Congress-ka Mareykanka oo la doortay kaddib 15 wareeg oo doorasho ah

Cabdi Cade

Xuutiyiinta dalka Yaman oo gudaha u galay dalka Sacuudiga

Cabdi Cade

Laftagareen & Qoorqoor oo kulan xasaasi ah ku leh Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---