Dooni mareysay meel ku dhow xeebaha Somalia oo gantaal lagu burburiyey

Ciidanka la dagaallanka Burcad badeeda ee Midowga Yurub ayaa sheegay inay qarxiyeen Doon ay wateen koox Burcad badeed Soomaali ah oo isku dayaysay inay afduub geystaan.

Qoraal ka soo baxay Saraakiisha Midowga Yurub ee jooga xeebaha Somalia ayey ku sheegeen in burcad badeedda oo watay dooni yar ay isku dayeen inay afduubaan markab watay Calanka Hong Kong.

Weerarkaas ayey sheegeen inuu fashilmay waxaana ciidamada Midowga Yurub oo ka jawaabayay isku daygaas ay gantaal ku dhufteen doontii ay wateen burcad badeedda Soomaalida oo gebi ahaanba burburtay.

Howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Somalia ma sheegin khasaaraha nafeed ee ka dhashay Doonta ay wateen Burcad Badeedda ee ay qarxiyeen.

Waxay intaas raaciyeen in sanad iyo barkii la soo dhaafay uusan dhicin hal weerar oo burcad badeedu ku guuleysatay, iyagoo xusay iney sii wadi doonaan xeebaha Somalia iney burcad badeeda ka ilaaliyaan si maraakiibta ganacsiga ay u nabad galaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -