Maxaa ka jira in shaqaalaha dowlada qaarkood aysan mushahar qaadan 9 bilood?

Wasiirka arrimaha dibedda ee Xukuumadda federaalka Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in shaqaalaha safaaradaha Somalia ku leedahay caalamka qaarkood aysan wax mushahar ah qaadan mudo sagaal bilood ah.

Cawad ayaa intaas ku daray in Wasaaraddiisa ay ku yartahay miisaaniyada loo qoondeeyey taasna ay keentay in mushaar la’aan ay ku dhacdo shaqaalaha ka shaqeeya safaardaha dibeda qaarkood.

“Shaqaalaha Wasaarada qaarkood gaar ahaan kuwa safaaradaha dibeda qeyb ka mid ah waxay ku shaqeeyaan duruufo adag iyo dhaqaale xumo, waxaanu isku dayeynaa inaan wax ka qabano arintaas intii karaankeen ah” ayuu yiri Wasiirka.

Dhibaatooyinka haysta shaqaalaha Safaardaha dibeda qaarkood ayuu sheegay inay la qabaan shaqaalaha kale ee ka shaqeeya wasaaradda arrimaha dibadda.

Madaxda dowladda  ayaa inta badan sheega in shaqaalaha iyo ciidamada dowladda la siiyo mushaharkooda bil walba, aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku yimaada mushaharka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -