Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Racfaan oo maanta go’aan kasoo saareysa Kiiska Sayid-Cali Macalin Daa’uud

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kasoo saareysaa kiiska eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay in uu gubay Xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay maalmo kadib dhaawacii kasoo gaaray Dabka.

Ilaa Afar fadhi ayey ka yeelatay Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu dhageystay qareenada difaacayay, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud iyo marqaatiyaal Maxkamadda ay dalbatay.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa horay dil toogasho ah ugu xukuntay Sayid-Cali Macalin Daa’uud, racfaan ayuu ka qaatay xukunkaas, waxaana maanta lagu dhawaaqi doonaa xukunka Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir.

Go’aanka maxkamadda racfaanka ayaana dhagaha u taagayaan dadweynaha Soomaaliyeed, waxa uuna horey u sheegay qareenka eedeysanaha ah haddii mar kale maxkamadda racfaanka xukun dil ah ku rido racfaan u qaadan doonaan maxkamadda sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun adag oo lagu riday nin qaba HIV/AIDS oo kufsaday gabar 9 jir ah (Akhriso)

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somaliland oo Bogaadiyay dadkii laga Musaafuriyay Laascaanood

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in wali uusan ka quusan mudo kororsi

Cabdi Cade