Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in wali uusan ka quusan mudo kororsi

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir sidoo kale ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu wado qalalaase siyaasadeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka warhayo in uusan ku guuleesan doonin doorasho xalaal sidaa darteed uu bilaabay qalalaase isaga oo wali ku haminaya mudo kororsi sida uu tilmaamay.

Waxa uu sheegay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir in guddiga doorashada ee la magacaabay u badan yihiin xubno uu sheegay in ay katirsan yihiin Hay’adda Nabad sugida iyo xubno kale oo kamid ah taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay Musharax Cabdiraxmana Cabdishakuur

Madaxweyne Farmaajo iyo taliskiisa nabadsugidda weli kama quusan muddo kororsi, sababtoo ah wey ogyihiin in aysan doorasho xalaal ah ku guulaysan karin. Waxey doorteen waddo qalaalase abuur ah oo uu billawgeedu yahay guddi doorasho oo xubno nabadsugid iyo CBB u badan.
 
Waxey ku tala galeen in ay fursad walba xiisad hor leh ku abuuran, si ay Soomaali u kala doorato tooda ama in lagu kala tago. Soomaali waxey marag ka tahay in 30 sano koox kaligeed xoog keeda ah wax ku meel marsata la waayay, cid kasta oo awood is baddana, masiir xun ayaa u danbeeyey.
 
Villa Somalia iyo taliska nabadsugidda isbaarooyinka ay doorashada ku horgaynayaa waa kuwo is dabayaala, waase la fahamsanahay. Dalkaan doorasho malxiis iyo marag fur been ah ka socon mayso. Waqtiga iyagaa iska lumiyey, Soomaalina way ka tashan, dalkana halistooda waan ka badbaadsanaynaa Ilaaheey idinkii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -