Allbanaadir.com
NEWS

Qodob Xasaasi ah oo maanta looga doodayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Waxaa maalintii labaad galay shirka Golaha Watashiga Qaran ee Muqdisho uga socda madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyad, shirkan ayaana maanta diirada lagu saari doonaa qodob xasaasi ah.

Sida aan xogta ku helnay shirka Golaha Watashiga Qaran ayaa maanta si weyn uga doodi doonaan madaxda dowladda Federaalka iyio kuwa dowlad goboleedyada doorashada, gaar ahaan doorashada madaxda maamulada oo intooda badan waqtigooda dhammaaday.

Qodobka looga doodayo doorashooyinka ayaa noqon doono qodobka ugu culus ee is-mari waaga ka imaan doono, maadaama la ogsoon yahay in madaxda maamulada ay quud-dareenayaan muddo-kororsi ama inay doorashada si iskood ah u maamushaan.

Madaxda maamulada ayaa waxaa ka idlaaday muddo sannad ah oo loogu daray shirkii hore, waxa ayna hadda rabaan in mar kale loogu daro labo sanno oo kale ama ay qabsadaan doorasho dadban oo iyaga mar kale lagu soo dooran doono.

Xogta aan heleyno ayaa sheegaya in madaxda dowladda dhankooda rabaan in muddo sannad ah mar kale loogu daro madaxda maamul goboleedyada, hasa ahaatee waxaa rabitaakaasi diidan madaxda maamulada oo raba labo sanno ama doorasho dadban.

Waxaa si weyn looga dhursugayaa go’aanka ugu dambeeya ee kasoo bixi doona shirkan Muqdisho uga socda Golaha Watashiga Qaran, waxaana la ogaan doonaa in doorasho ka dhici doonto maamul goboleedyada ama loo sameyn doono muddo kororsi .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhalinyaro katimid Hargeysa oo dooneysay in ay ku biiraan Al Shabaab oo la qabtay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Wasiirka Gaashaandhiga dowlada Britain (Sawirro)

Caydiid Ali

Mid kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo xilka laga qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---