Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo mar kale ka careesiiyay Isreal indhaha caalamkana kusoo jeediyay

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihi shaaca ka qaadday, in hubka ay ugu deeqday Isra’il ee ay u adeegsatay dagaalka ay ka waddo Gaza, ay u badan tahay in uu ku xadgudbay xeerarka caalamiga ah ee bani’aadannimada.

Hase yeeshee, warbixinta oo ay soo diyaarisay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka loona gudbiyay Koongareeska, ayaa dhanka kale sheegta, in duruufaha dagaalka ay saraakiisha Mareykanka u diideen go’aan ka gaarista qaar ka mid ah duqeymo cirka ahaa oo ku koobnaa meelaha qaar, sidaasi daraadeedna aysan u kala caddeyn in adeegsiga hubka Mareykanka ee Israi’l uu meelaha qaar ku xadgudbay shuruucda caalamiga ah.

Warbixintan sheegeysa in ay jiraan caddeymo muujinaya in Isra’il oo ah xulufada ugu dhaw Mareykanka ay jibisay xeerarka caalamiga ah ee ilaaliya rayidka, ayaa noqoneysa bayaanki ugu xooganaa ee ay Washington ku cambaareyso Tel Aviv, tan iyo marki uu billowday duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza wixi ka danbeeyay weerarki Xamaas ee 7-badi October.

Natiijada warbixintan ayaa khatar dheeraad ah gelineysa xiriirka sii kharaaranaya ee u dhaxeya Isra’il iyo maamulka madaxweyne Biden. Maamulka Biden ayaa qaaday tallaabooyin aysan ku farxin Isra’il, tan iyo marki ay ciidamada Isra’il galeen marinka Rafax todobaadkan.

Mareykanka ayaa horay uga digay in uusan raalli ka aheyn duullaan ay Isra’il ku qaaddo magaalada Rafax oo ay ku noolyihiin in ka badan 1.3 milyan oo Falastiiniyiin qaxooti ah, ilaa ay Isra’il ka keeneyso qorshe cad oo dammaanad qaadaya badqabka dadka rayidka ah.

Todobaadkaan Biden ayaa sheegay inuu hakinayo hubka uu Mareykanka u daabulo Isra’il, arrintaas oo uu uga jawaabayay qabsashadi ay Isri’il qabsatay marinka isku xira Rafax iyo Masar iyo duqeymo ay ciidanka Israil ka geysteen qeybo ka mid ah Rafax, halkaas oo lagu dilay dad badan oo rayid ah.

Isra’il wali kama aysan jawaabin warbixinta kasoo baxday dowladda Mareykanka, hase yeeshee qaar ka mid ah mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ee Koongareeska ayaa cambaareeyay warbixinta kuna tilmaamay mid lid ku ah Isra’il.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Sharci daro ku tilmaamay hab-dhaqankii Baarlamaanka Soomaaliya !!

admin

Maxay ka wada hadleen Wasiirka arrimaha dibeda & danjire Hassan Bin Hamza? (Sawirro)

Caydiid Ali

Imaaraadka oo ceeb ka raacday abaal marinta sinnaanta ragga iyo dumarka (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade