Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Axmed Juma oo arrimo muhiim ah kawada hadlay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi.

Kulanka ay yeesheen Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Safriirka Imaraadaka Carabta ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Waxa ay sidoo kale kulanka uga wada hadleen sidii dowladda Imaraadka Carabta u kordhin laheyd taageerada dhaqaale ay siiso Soomaaliya, iyo sidii ay u taageeri laheyd ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya , saameyn weyna ku leh siyaasadda iyo maamulka dalka, waxa ayna Imaaraadka dowladda ku taageertaa dhaqaale kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -