Wasiir Goodax oo gaaray Belad-weyne & Dabageed oo 72 Saacadood loo qabtay (Sawirro)

Wasiirka Waxbarashada iyo taclinta sare ee Xukuumada Somalia ayaa gaaray saaka magaalada Belad-weyne oo ay weli ka aloosan tahay xiisad culus oo u dhexeysa Madaxweynaha Hirshabelle Waare iyo gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed.

Wafdiga oo ay ku jiraan xildhibaano ka tirsan Baarlamanka ayaa la filayaa iney ka qeyb qaataan xalinta khilaafka iyo ismari-waaga ka taagan magaalada Belad weyne.

“Maanta waxaan gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Safarka waxaa igu wehelinaya xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamanka Soomaaliya. Waxaan la kulmi doona odayaasha dhaqanka iyo madaxda maamulka Hirshabeelle” ayuu yiri wasiir Goodax.

Dhinaca kale,  Kulan ay shalay yeesheen saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM, Dowlada Federaalka iyo Maamulka Hirshabelle ayaa loogu qabtay Yuusuf Dabageed inuu 72 saacadood uga guuro xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidamada Itoobiya ayaa shalay isku gedaamay xarunta uu degen yahay Yuusuf Dabageed si ay ugu cadaadiyaan inuu halkaas ka baxo balse waxaa laga qaaday xalay kadib markii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ay codsadeed in muddo la siiyo si uu Dabageed uga guuro xarunta gobolka.

Balse Gudoomiye Dabageed oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku dil oo loo soo adeegsaday ciidamo Soomaali iyo ajnabi ah, kaasoo uu sheegay inuu xaafada Lama-galaay ee magaalada Beladweyne ka soo abaabulay madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -