Allbanaadir.com
NEWS

Somalia iyo Turkiga oo diirada saaray fulinta qodob ka mid ah heshiiskii labada dhinac

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah xarunta wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya kula qaatay mas’uuliyiin wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markabka dagaalka ee shalay soo gaaray Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa qorsheyn iyo qaabeyn lagu dhiraan-dhirinayo hannaanka fulinta qodobo kamid ah heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan arrimaha tababarrada iyo taakuleynta ciidamada.

Kulankaas oo intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ciidamada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Madey Nuurey Sheikh iyo saraakiil kale.

Related posts

Qaramada Midoobay oo baaq u dirtay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo muran u dhaxeeyo

Cabdi Cade

Caro ka dhalatay Nin qaba Cudurka Aids oo xoog looga saaray Isbitaal (Daawo Sawirada)

admin

Trump oo ka inkaarsaday Qaxooti shalay ku sii jeeday Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---