Al Shabaab oo lagu jabiyay weerar culus oo ay ku qaadeen deegaanka Xawaadley iyo Meydad..

Dagaalamayaal katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo khasaaro badan dhaliyay.

Sida aan wararka ku helnay Al Shabaab ayaa weerarka ay qaadeen u adeegsaday qaraxyo iyo weerar toos ah, waxa ayna beegsadeen saldhigyo la sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin deegaankaasi.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in weerarka Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Xawaadley la fashiliyay, waxa ayna xuseen in hayeen xogta weerarka ayna uga hortageen goobo ka baxsan saldhigyadii ay qorsheeyeen in ay weeraraan.

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidanka in Al Shabaab weerarka kaga dileen xubno badan kuwa kalana kaga dhaawaceen, waxa ay sidoo kale xuseen in ay jiraan xubno dagaalka looga qabtay Al Shabaab iyo hub badan oo laga furtay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in meydadka xubno katirsan Al Shabaab lagu arkayo goobihii lagu dagaallamay, waxaa sidoo kale la sheegay in Al Shababa horey usii qaateen askar dhaawac ah iyo kuwa laga dilay meydadkooda.

Al Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in laga fashiliyay qorshe ay doonayeen in ay ku qarxiyaan buundada deegaanka Xawaadley marta, waxaana dagaal muddo kooban socday kaddib Al Shabaab u firxadeen halkii ay ka yimaadeen.

Ciidanka xoogga dalka oyo kuwa dadka deegaanka ayaa saakay wada howlgalo ay ku baadigoobayaan kooxdii weerarka soo qaaday, waxa ay sidoo kale ciidanka raadinayaan xubno ay ka carareen Al Shabaab iyo hub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -