Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Muqdisho oo qabtay rag si sharci daro ah mootooyinka A iyo B ugu buufinayay (Sawirro)

Ciidanka booliiska ee ka howlgala gobolka Banaadir ayaa gacanta Ku soo dhigay eedeysanayaal lagu qabtay iyaga oo si sharci-daro ah ah mootooyinka bajaajta ugu buufinaya calaamada A iyo B ay ku shaqeeyaan mootooyinka.

Howlgal ay sameeyeen ciidanka booliiska saldhigga degmada Xamar Jajab ayeyna kusoo qabteen eedeysanayaasha ku guda jiray buufinta bajaajta, waxaana horey buufinta bajaajta looga soo saaray sharci, iyadoona loo xiray dad gaar ah oo gobolka ogyahay.

War kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in eedeysanayaasha xilliga la qabanayay meel gaar ah kula dhuunteen buufinta bajaajta, waxa ayna uga digeen cid kasta oo arrintan oo kale lagu qabto in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Ciidanka booliiska ayaana bilaabay baaritaanno lagu sameenayo eedeysanayaasha lagu soo qabtay buufinta sharci-darada ah ee mootooyinka, waxa ayna xuseen booliiska in maxkamad loo gudbin doono dadkan haddii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay.

Mootooyinka bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa lagu buufiyay calaamada A iyo B, si ay midbo maalin gaar ah u shaqeyso, waxaana mootooyinka loo sameeyay nambaro ugu jira diiwaanka oo lagu ogaanayo cidda iska leh iyo numberkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Max’uud Sayid Aadan “Kenya dhaqaalahoodii iyo dhiigoodii ayey nala garab taagan yihiin”

Caydiid Ali

Burcad lagu eedeeyey iney dhac geysteen oo la aasay iyagoo nool (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ganacsatada Muqdisho keenta Qaadka Miirow oo shaqo joojin sameynaya (Sababta)

Caydiid Ali