Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney Baraha bulshada taageero ugu muujisay maamulka Somaliland oo la xiray

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Sool ee maamulka Khaatumo State ayaa xabsiga dhigay haweeney lagu eedeeyay in ay baraha bulshada taageero weyn ugu muujisay maamulka Somaliland.

Booliiska Khaatumo ayaana xiray Yaasmiin Maxamed Diiriye oo ay ku eedeeyeen in ay taageertay maamulka Somaliland iyada oo joogta deegaannada Khaatumo, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in calanka maamulkaasi baraha bulshada kusoo bandhigtay.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Sool ayaa lagu sheegay in ay ku daba jiraan ayna soo qabanayaan dad kale ay ku eedeeyeen in ay caadeesteen in ay baraha bulshada ka taageeraan maamulka Somaliland ay dagaalka kula jiraan.

Booliiska Khaatumo State ayaana uga digay dhallinyarada kunool deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo in ay ku kacaan falal lagu taageerayo Somaliland, waxa ayna ugu goodiyeen ciddii lagu qabto in la xirayo lana horgeyn doono maxkamad.

Maamulka Somaliland ayaa sidaan oo kale deegaannada uu ka taliyo uga mamnuucay in laga taageero maamulka Khaatumo iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya, iyagoona xarig iyo dhibaato kalaba muteesanaya ciddii lagu qabtaa calanka Soomaaliya iyo kan khaatumo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Ciidamada oo War kasoo saartay dilalka ciidanka dowlada u geestaan Shacabka

Cabdi Cade

Cumar Filish oo dhagax dhigay laami cusub oo laga hirgelinayo Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo War ka soo saaray xiliga ay dhaceyso Doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---