Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo ka laabtay go’aan uu horey uga qaatay Milateriga dowlada Somalia

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dib u bilaabayso taageeradii ay siin jirtay ciidamada dawladda Soomaaliya.

Kaalmadaasi ayaa la joojiyey bishii December ee 2017-kii, ka dib markii ay soo baxeen eedeymo ku saabsanaa musuq-maasuq lagu sameeyo taageerada la siiyo ciidamada Soomaaliya.

Maraykanku waxa uu sheegay inuu si tijaabo ah uu u billaabi doono kaalmaynta ciidanka Soomaalida gaar ahaan cutubyada ku sugan gobolka Shabeellada Hoose oo halkaas ka wada howlgalo milateri oo ka dhan ah Al-shabaab.

Sababta loo soo celiyey taageerada ayey dowlada Maraykanku sheegtay iney tahay markii ay arkeen in dowlada Somalia ay wax badan ka qabatay musuqii lagu sameyn jiray kaalmada uu bixiyo Maraykanka, ayna sameysay hanaan hufan oo lagu kalsoonaan karo.

“hadii dowlada federaalka sii wado iney hanaanka ay wax uga qabaneyso musuqii jiray waxay taasi horseedi doontaa in gebi ahaan la soo celiyo taageeradii dhaqaale iyo saadka milateri ee la siin jiray ciidamada xoogga dalka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay dowlada Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo shaacisay in tacadiyo geesteen ciidankii DFS geysay Raaskanbooni

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo laga codsaday qeyb kamid ah Lacagihii Musharaxiinta laga qaaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Sheeko Jaceyl: Dhimashaan ka xigaan in aan Dib Kuu soo Jeclaado !! (Qeybta 1-aad)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---