Allbanaadir.com
NEWS

Wariye wax ka sheegtay Ra’isul Wasaare oo xukun lagu riday

Haweeney wariye ah oo u dhalatay dalka Talyaaniga ayaa lagu xukumay in ay magdhaw siiso Ra’isul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni , kaddib markii gabadha wariyaha ah ay barteeda bulshada wax uga sheegtay dhirirka Ra’isul Wasaaraha.

Giulia Cortese ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta in ay sumcad dil ku sameysay Ra’isul Wasaaraha Talyaaniga, waxaana lagu xukumay in lacag dhan €5,000 (£4,210) oo magdhow ah siiso Ra’isul Wasaare Giorgia Melini.

Garsooraha maxkamadda ayaa sheegay in gabadha suxifayada ah ay barteeda X ku qortay labo farriin oo sumacd dil ku ah Ra’isul Wasaaraha, waxa uuna garsooraha sheegay in farriimahaasi ahaayeen kuwa lagu ceebeesanayay Ra’isul Wasaaraha.

Go’aanka ayaa yimid ka dib sheeko ay Ms Cortese ku tilmaantay Ms Meloni inay tahay “haweeney gaaban” oo ay ku tiri: “Xitaa kuma arki karo.” Iyadoo ka jawaabeysa go’aanka, Ms Cortese ayaa sheegtay in dowladda Talyaaniga ay “dhibaato xooggan ka haysato xorriyadda hadalka iyo mucaaradka suxufiyiinta”.

Xukunkan magdhawga ah ee lagu riday gabadha wariyaha ee u dhalatay dalka Talyaaniga ayaana hadal heyn badan ku abuuray baraha bulshada dalkaasi, waxaana dadka qaar xukunkaasi ku tilmaameen caddaalad darro, halka kuwa kalana soo dhaweeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayuurad ku burburtay xadka Soomaaliya iyo Kenya (Tirada dhimashada)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo Qabiilka mid kamid ragii weeraray xarunta G/Banaadir

Cabdi Cade

Rag heestay Malaayiin Dollar oo been abuur ah oo lagu qabtay Nairobi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade