Taliyihii Booliiska Gobolka Hiiraan oo lagu dilay dagaal dhax maray Ciidamo kala taabacsan…

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi maanta ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo Gudoomiyaha cusub.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsanayay hubka nuucyadiisa kala duwan, waxa uuna dagaalka ka dhacay deegaanka Kala beer ee kuyaala duleedka Baladweyne.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxaana dadka ku dhintay dagaalka ku jira  taliyihii qeybta Booliska gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow.

Dagaalka ayaa sidoo kale waxaa dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray saraakiil katirsan ciidanka booliiska iyo kuwa daacada u ah Yuusuf Dabageed, waxaana wali magaalada Baladweyne iyo duleedkeeda ka jira xiisad dagaal.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa dhawaan xilka ka qaaday Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo isna ka hor yimid xil ka qaadistaasi, dagaalkan ayaana daba socda xiisada ka dhalatay xil ka qaadista.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -