Allbanaadir.com
NEWS

Burcad badeed Soomaali ah oo sii deysay markabka MV Abdullah ka dib markii..

Kooxda burcad-badeeda Soomaalida ee u afduubnaa markabka MV Abdullah ee laga lahaa Bangladesh ayaa caawa sii daayay markabkaas.

Sii deynta markabka ayaa timid kaddib markii ay ka qaateen lacag madax furasho ah oo gaaraysa shan Milyan oo doolar.

Burcad-badeeda ayaa ka degay xeebaha degmooyinka Eyl, Godobjiraan iyo Jariibaan ee gobollada Nugaal iyo Mudug, iyadoo boqolaal ciidamo ah oo ka tirsan maamulka Puntland ay ku sugnaayeen badda iyo berigaba.

Markabka MV Abdullah oo dhuxul u siday Imaaraadka ayaa la afduuby 12 March 2024, waxaana saarnaa 23 shaqaale ah oo dhammaantood u dhashay dalka Bangladesh.

Waa markii ugu horreysay oo burcad-badeeda Soomaalida ay lacag madax furasho ah qaataan muddo ka badan 12 sano.

Related posts

Dabkii ugu khatarsanaa oo ka socda Los Angeles iyo dhimasho ka dhashay

Cabdi Cade

Maxay isku hayaan labada Janan ee kala hogaminaya dagaalka ka socda Khartuum? (Sawirro)

Caydiid Ali

Biixi & Ciro oo codeeyey & Wararkii u dambeeyey doorashada Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---