Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay noqoto dalkii 9-aad ee Beesha Bariga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo EAC, taas oo ku soo beegmeysa dhowr bilood ka dib markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay urur goboleedkan.

Wasiirka Kenya u qaabilsan Bariga Afrika iyo Horumarinta Dhulka Egenka ah, Peninah Malonza ayaa warkan ka sheegtay munaasibad cunto gargaar ah lagu qaybinayey oo ka dhacday degmada Kitui ee gobolka Bari.

Ms. Malonza oo sii hadleysa ayaa shaaca ka qaadday in wadahadallaa u dhexeeya Addis Ababa iyo madaxdaa ugu sarreya dallada EAC ay meel gebogebo ah marayaan, islamarkaana ay Itoobiya ay goor dhow ku soo biireyso Beesha Bartiga Afrika.

Peninah Malonza oo uu soo xigtey Telefishinka Dowladda Kenya ee KBC intaas ku dartay in dalalka ku midoobey Beesha Bariga Afrika ay doonayaan in ay mideeyaan siyaasadahooda ku aadden hirgelinta hannaan maaliyadeed oo qura iyo hay’adihii yagleeli lahaa lacag qura oo dalalkaas yeeshaan.

Beesha Bariga Afrika waxaa ku bahoobay 8 dal oo kala ah: Burundi, DR Congo, Kenya, Rwanda, Soomaaliya, South Sudan, Uganda iyo Tanzania, waxaana xarun u ah magaalada Caruusha ee dalka Tanzaniya.

Inkastoo aan dhanka Itoobiya weli laga hayn wax xaqiijinya jiritaanka xogta ay bixisay wasiirddu, haddana waxaan qarsooneyn in EAC dooneyso in ay isku ballaariso Bariga Afrika, waxayna sidoo kale u gacan haatineysaa dalalka Jibuuti, Eriteriya iyo Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaki la galiyay Caafimaadka maskaxeed ee madaxweyne Deni

Cabdi Cade

Taliyaha Ciidanka milatariga Soomaaliya oo la kulmay Taliyaha howlgalka EUTM (Sawirro)

Cabdi Cade

Weerar culus oo mar kale lagu qaaday xarumo kuyaalla Galhareeri iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---