Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Iiraan oo qarka u saaran iney si toos ah u gasho dagaalka looga soo horjeedo Israel

Iiraan ayaa sheegtay in haddii Israa’iil aysan joojin dagaalka iyo xasuuqa Gaza ay xaaladdu faraha ka bixi karto ayna ka dhalan karto cawaaqib xumo ba’an.

Iiraan ayaa intaas ku dartay in mas’uuliyadda hubinta inaysan xaaladdu kasii darin ay la taallo Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka iyo dalalka qaarkood.

Goor sii horreysay, wuxuu kulan magaalada Dooxa ku dhex maray hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniya iyo Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Hossein Amir-Abdullahian.

Amir-Abdullahian ayaa ammaanay weerarka Xamaas ay ku qaadday saldhigyada Israa’iil toddobaad kahor isagoo ku tilmaamay “guul taariikhi ah.”

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa ka digay in dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas oo sii hura, uu horseedi Karo in Iran ay si toos ah ugu lug yeelato dagaalka.

Isagoo la hadlayay warbaahinta la taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan ayaa ka digay suurtagalnimada dagaal cusub oo laga abuuro xuduudda Israa’iil ay la wadaagto Lubnaan.

“Meesha kama saari karno in Iran ay dooran doonto in ay si toos ah u soo gasho dagaalka, waa inaan u diyaargarownaa xaalad kasta oo suurtagal ah,” ayuu yiri.

Waxaa jiray is-rasaasayn ka dhacday xadka u dhexeeya kooxda Xisbullah ee ay Iran taageerto ee koonfurta Lubnaan iyo ciidamada Israa’iil, iyadoo kooxaha falastiiniyiinta ah ee aaggaas ku sugan ay iyaguna ku lug leeyihiin is rasaasaynta.

Related posts

Koonfur Galbeed oo caawa shaacisay in ay isaga baxeen tartanka ka socda Muqdisho

Cabdi Cade

Maraykanka oo shaaciyey lacagta sanadkan kaga baxday gargaarka Soomaaliya

Caydiid Ali

Dhaqtar Muslim ah oo oo qaaday talaabo dad u badan Bukaano farxad galisay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---