Kooxo Hubeesan oo dilay Guddoomiye Maxamed Xaaji Xasan iyo Masuul ka hadlay dilkiisa

Kooxo hubeesan oon heebtooda la aqoonsan ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay guddoomiyihii dhallinyarada ee degmadaasi Maxamed Xaaji Xasan.

Masuulkan la dilay ayaa sidoo kale ahaa guddoomiyaha Waaxda Xaawo Taako ee degmada Afgooye , waxaana guddoomiyaha la sheegay in kooxo hubeesan rasaas ku fureen kaddibna goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida degmada Afgooye ayaa baaritaano ka sameeyay goobta uu dilku ka dhacay, lamana sheegin ciidamada dad ay usoo qabteen falkan dilka ah.

Guddoomiyaha degmada Afgooye  Cabdullaahi Maxamed Cismaan ayaa si kulul u cambaareeyay dilka loo geestay guddoomiyaha dhallinyarada Afgooye, waxa uuna tacsi u diray eheladii uu ka baxay guddoomiyaha la dilay.

“Inaa lillahi wainnaa ileyhi raajicuun. ASWT Hau naxriisto Wllkeen Maxamed oo xubi muhiim ah u ahaa Maamulka Degmada. Waxaa uu ahaa nin Dhalinyar oo howlkar ah hoggaana u ahaa dhallinyarada degmada waxaan Ilaahey u weydiinayaa inuu ka Waraabiyo Janatul Fardowsa. anagana samir iyo Iimaan naga siiyo” ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi.

Degmada Afgooye ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal loo geestay masuuliyiinta maamulkaasi, odayaal iyo dad kale oo shacab ah, waxaana inta badan baxsada dadka geesta dilalka degmadaasi ka dhaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -