Dad ku indho beelay Kaadi ay wejiga ku dhaqdeen & Sababta ku kaliftay

Dad badan oo kunool deegaanno kuyaalla dalka Muzambique ayaa lasoo wariyay in ay ku indho beeleen , kaddib markii dadkaasi uu haleelay cudurka daafka ah ay indhaha ku dhaqdeen kaadi iyo gaas.

Warbaahinta dalka Muzambique ayaa soo tabisay in dadkan indhaha ku dhaqday kaadida ee dhibaatada kala kulmay ay tallooyin ka qaateen dad caamo ah, kuwaa oo dadka u sheegayay in kaadida oo indhaha lagu dhaqdo daawo u yahay cudurka daafka .

Dr. Sândia Sumbane ka tirsan qaybta indhaha isbitaalka dhexe ee magaalada Nampula ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen dad ku indho beelay kaadi iyo gaas ay indhaha ku dhaqdeen , si ay uga bogsoodaan cudurka daafka oo faro kulul ku hayay.

Dahqaatiirta ayaana sheegay in isbitaalada loogu keenay dad ku indho beelay tallooyin been ah oo ay qaateen, dadkaasi indhaha beelay qaarkood ayaa qalliino indhaha looga saarayay loo sameeyay , halka kuwa kalana wali lala tacaalayo.

Dadweynaha kunool dalka Muzambique ayaa looga digay in ay daawo ka raadiyaan tallooyin been ah oo la siiyay, waxa ayna dhaqaatiirta ugu baaqeen dadka xanuunada lasoo darso in ay tagaan isbitaalada si xaaladooda loola tacaalo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -