Dad ku dhaw 100-qof oo bad ku dhintay xilli ay ka cararayeen Cudur deegaankooda ka dilaacay

Ugu yaraan 94 qof oo ay carruur badan ku jireen ayaa  geeriyootay, 26 kalena waxaa lagu la’ yahay nolol iyo geeri, kaddib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha waqooyi ee dalka Mozambique.

Lourenco Machado oo ah Sarkaal ka tirsan machadka gaadiidka Badda ee dalka Muzambique ayaa warkaasi naxdinta leh ka sheegay wareysi Khaas ah oo uu saakayto oo Isniin ah siiyey telefishinka Qaranka dalkaasi ee TVM.

Sarkaalka waxa uu xusay inuu shilkaasi dhacay shalay oo Axad ahayd, iyadoo la diiwaan geliyey inay doonida la socdeen 130 qof, waxaana la helay maydadka ugu yaraan 94 qof ku dhinteen shil baddeedkaasi.

Doonida ayaa waxaa la socday kakaab badan oo ka soo shiraacday degmadda Lunga ee gobalka Nampula, kuwaasi oo ku sii jeeday jasiirad ku taalla waqooyiga dalkaasi ee Muzambique.

Doonida ayaa waxaa la sheegay inay mowjado ku kaceen xilli ay badweynta socotay, taasi oo sababtay inay doonida qalibanto.

Telefishinka Qaranka Mozambique ee TVM ayaa soo weriyey in dadka rakaabka ee ay doonida la degtay ay ahaayeen dad ka cararay cuddurka Daacuun Caloolaha (Cholera) oo ka dilaacay degmadii ay degnaayeen Lunga ee gobalka Nampula .

Dhanka kale, xoghayaha guud ee gobalka Nampula, Jaime Neto ayaa xaqiijiyey inay rakaabkaasi ka qaxayeen cuddurkaasi, waxa uuna xusay in musiibo kale oo aysan fileyn dadkaasi ku dhacday.

Si kastaba, dalka Mozambique iyo dalal kale oo ku yaalla Afrikada Koonfureed waxay la tacaalayeen hakinta cuddurka koleeraha tan iyo sannadkii hore ee 2023-kii.

W/T Ustaad Nuuradiin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -