Nin dhalinyaro ah oo lagu dilay Balad-weyne iyo faahfaahino ka soo baxaya

Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ku nool Magaalada Beleweyne ee gobolka Hiiraan ayaa dil loo geystay.

Kooxo hubeysan ayaa la soo sheegayaa iney Maxamed Muuse Shiiraar ku dileen Xaafada Cilmi loos ee magaalada Balad-weyne

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxaha dilka geystay ay ahaayeen Burcad dhac u geysaneysay mobile uu watay Wiilka dhalinyarada ah.

Ciidamada Booliska Beledweyne ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgallo baaritaano ah inkastoo aysan gacanta ku dhigin burcadii ka dambeeyay dilkaas.

Laamaha amaanka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin dilkan oo shacabka magaalada ay si weyn uga xumaadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -