Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerar xooggan oo qaraxyo ku bilowday Saakay ku qaaday degmada Balcad

Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab ayaa saakay weerar xooggan oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah waxa ay ku qaadeen qeybo kamid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen Balcad oo lagu bartilmaameedsaday koontaroolo iyo goobo ay kale ay joogeen ciidanka dowladda ayaa ku bilowday qaraxyo, waxaana qaraxyada kaddib halkaasi ka dhacay dagaal toos ah.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in qaraxyo xooggan kaddib maqleen rasaas meelo kala duwan is qabsatay, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhax maray kooxda Al Shabaab iyo ciidanka dowladda oo weerarka iska caabiyay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay in uu ka dhashay qaraxyada iyo weerarka tooska ah ee Al Shabaab saakay ku qaadeen degmada Balcad, mana jiro faah faahino weerarka ay ka bixiyeen saraakiisha ciidanka dowladda.

Kooxdii weerarka soo qaaday ee Al Shabaab ayaa dib uga laabatay goobihii ay soo weerareen, kaddib markii ciidanka dowladda si xooggan isaga caabiyeen weerarka Al Shabaab saakay kula soo jarmaadeen Balcad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo cunaqabatayn ku soo rogay Saraakiil ka tirsan Maxkamada ICC (Sabab yaab leh)

Caydiid Ali

Mareykanka iyo Britain oo ka hadlay Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweynaha Eritrea oo ka laabtay go’aan culus oo uu 10 sano ka hor gaaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---