Mashruuca 2025, oo ka kooban dukumeenti 900 oo bog ah oo ay diyaariyeen xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka iyo taageerrayaal xisbiga ah ayaa lagu arkay in haddii doorashada uu ku guuleysto Donald Trump, boqolka maalin ee u horreysa inuu ku dhawaaqi doono Mareykanka inuu aqoonsi siin doono Somaliland , isagoo Qaramada Midoobay horgeynaya sidii ay kursi uga heli lahayd.
Tallaabadan waxaa lagu sheegay inuu Trump uga jawaabayo mowqifkasa sii kala fogaanaya ee Jabuuti, markii dalkaas uu ka caga-jiiday inuu meesha ka saaro saldhigga Shiinaha uu ku leeyahay Jabuuti, wuxuuna u adeegsan doonaa Somaliland aag aan lala wadaagin oo istiraatiiji ah.
CNN waxay ogaatay ugu yaraan 140 qof oo ka hoos shaqeeyay maamulka Trump inay ku lug lahaayeen samaynta Mashruuca 2025, ujeeddadana waa in dib u habeyn lagu sameeyo laanta fulinta, sida ay toddobaadkii hore ku warrantay CNN.
Balse, Trump ayaa farriin uu ku baahiyay bartiisa bulshada TruthSocial, wuxuu ku sheegay Project2025, mid aan jirin oo uusan wax war ah u heyn, isagoo markaa tilmaamaya waxyaabaha ku qoran inay yihiin kuwa aan suuragaleyn ; “ Waa wax lagu qoslo,” ayuu ku daray.
Xisbiga dimuqraadiga ayaa billaabay markii mashruucan internetka lagu baahiyay inay u adeegsadaan hab olole, iyadoo musharrixii doorashadii uu kaga guuleystay Trump ee kursiga kula tartantay Hillary Clinton, ay barteeda X ku baahisay si looga badbaado mashruucan ay ku tilmaamtay inuu burburinayo Mareykanka , dadka Mareykanka in looga baahanyahay inay doortaan Kamala Harris , oo la filayo inay doorashada November kula tartanto Trump , marka uu xisbiga dimuqraadiga si rasmi ah u shaaciyo bisha dambe.