Madaxweyne Biden: :Israa’iil wey ku fashilantay ilaalinta rayidka & shaqaalaha gargaarka”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu aad uga carooday oo uu qalbi jabay ka dib markii Israa’iil ay duqeyn ku dishay 7 ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Gaza Isniintii. kuwaasoo intooda badan ka soo jeeday dalalka reer galbeedka Waxa uu qirtay in duqeyntu masuuliyad daro ah iyo in Israa’iil “aysan samayn wax ku filan oo ay ku difaacdo dadka rayidka ah.”

“Waxay cunto siinayeen dad rayid ah oo gaajaysan intii uu dagaalku socday,” ayuu Biden ku qoray bayaan Talaadadii. “Waxay ahaayeen geesiyaal is-xilqaamay. Geeridoodu waa masiibo.” ayuu intaas ku daray

Waxa uu sheegay in Israa’iil “ay ballan-qaadday inay baaritaan dhab ah ku sameyn doonto” dhacdada, laakiin “baaritaanku waa inuu noqdaa mid degdeg ah, waa inuu keenaa isla xisaabtan, natiijada ka soo baxdana waa in si guud loo shaaciyaa” ayuu yiri Biden

“Falkani wuxuu ahaa midkii ugu xumaa ee in dhawaala soo mara Gaza marka la eego tirada shaqaalaha gargaarka ee lagu dilay. Tani waa sababta ugu weyn ee qaybinta gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza ay u ahayd mid aad u adag – sababtoo ah Israa’iil ma aysan samayn wax ku filan si ay u ilaaliso shaqaalaha gargaarka ee isku dayaya inay gaarsiiyaan gargaarka aadka loogu baahan yahay rayidka.” ayuu yiri Madaxweynaha

Waxa uu sheegay in dhacdooyinka sidan oo kale ah “si fudud aysan u dhicin,” iyo in “Israa’iil sidoo kale aysan samayn wax ku filan si ay u ilaaliso rayidka.”

Weerar ay Israa’iil ka geysatay Qaza oo ay ku dishay 7 ka mid ah shaqaalaha hay’adaha gargaarka ee heyadda WCK, ayaa waxay ka dhashay caro iyo camnbaareyn caalami, taasoo keentay in Madaxweyne Joe Biden Talaadadii uu soo saaro bayaan

Madaxweynuhu wuxuu muujiyay in tani ay tahay xaalad aad u adag, uuna jeclaan lahaa in la soo afjaro dagaalka isagoo  ku eedeeyay Israa’iil inay ku guuldareysatay inay ilaaliso rayidka iyo shaqaalaha gargaarka.

Qoraal ay soo saartay heyadda WCK waxay ku baahisay magacyada iyo sawirada dhibbanayaasha la dilay

1-John Chapman, oo 57 jir ah, haysta dhalashada Ingiriiska kana tirsan kooxda ammaanka.

2-James (Jim) Henderson, 33, haysta dhalashada Ingiriiska kana tirsan kooxda amniga.

3-James Kirby, oo 47 jir ah, haysta dhalashada Ingiriiska kana tirsan kooxda ammaanka.

4-Jacob Flickinger, 33, oo ah laba dhalasho oo Maraykan-Canadian ah oo ka tirsan kooxda gargaarka.

5-Damian Sobol, 35, muwaadin Polish ah oo ka tirsan kooxda gargaarka.

6-Lalzawmi (Zomi) Frankcom, 43, waa muwaadin Australian ah iyo hogaamiyaha kooxda gargaarka.

7-Saifeddin Issam, 25, Falastiini ah oo ka tirsan kooxda gargaarka.

- Advertisement -