Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Dhulgariirkii ugu xumaa 25 sano ah oo ku dhuftay Taiwan & Tsunami laga digay

Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 7.2 ayaa ku dhuftay Jasiirada Taiwan, waana gariirkii ugu xooganaa ee ku dhaca jasiiraddaasi ugu yaraan 25 sano, waxaana ku dhintay illaa hadda 4 qof, 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana sare u kacday digniinta Tsunami ee koonfurta Japan iyo Filibiin.

Waaxda dab-damiska ee Taiwan ayaa sheegtay in afar qof looga shakisan yahay iney ku dhintay dhagxaan ku soo dhacay buuraleyda oo ay dad yar ku nool yihiin bariga degmada Hualien halkaas oo xudunta u ahayd, in ka badan 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan 26 dhismo ayaa dumay, in ka badan kala bar magaalada Hualien, iyadoo ku dhawaad 20 qof ay ku go’doonsan yihiin, waxaana socda howlaha samata bixinta, ayay tiri.

Telefishinada Taiwan ayaa soo bandhigay muuqaalada dhismayaal ku yaal xagal aan fiicneyn oo ku yaala Hualien, halkaas oo dhul gariirku ka dhacay meel ka baxsan xeebta abbaare 8-dii subaxnimo (0000GMT) xilli dadku ay u socdeen shaqo iyo iskuul.

Dhul-gariirku wuxuu lahaa qoto dheer 15.5km (9.6 mayl), sida uu sheegay maamulka cimilada dhexe ee Taiwan.

“Aad bay u xoog badneyd, waxaan dareemayay sidii in gurigu dumayo,” ayuu yiri Chang Yu-Lin oo 60-jir ah oo ka shaqeeya isbitaalka Taipei.

Wakaaladda cimilada ee Japan ayaa sheegtay in biyaha badda ay sare u kaceen dhowr mowjadood oo yar yarna ay gaareen qaybo ka mid ah gobolka koonfureed ee Okinawa, ka dibna ay hoos u dhigeen digniintii hore ee Tsunamiga.

Wakaaladda Seismology-ga Filibiin ayaa sidoo kale digniin u dirtay dadka deggan deegaannada xeebaha ah ee dhowr gobol, iyadoo ku boorisay inay u guuraan dhul sare.

Taiwan ayaa sidoo kale soo saartay digniin tsunami ah, balse ma aysan sheegin wax khasaare ah oo arrintaasi ka dhashay, waxaana Xarunta Digniinta Tsunami ee Baasifiga ee Hawaii ay markii dambe sheegtay in khatarta  waxyeello ay geysan karaan mowjadaha tsunami ay dhaaftay.

Dhul-gariir laga dareemaya Taipei, sida uu sheegay goobjooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo in ka badan 25 dhul-gariiro yar yar kadib la diiwaan geliyay ilaa hadda, sida uu sheegay maamulka dhexe ee cimilada Taiwan.

Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in dhulgariirka laga dareemay gobolka Fujian ee dalka Shiinaha, iyadoo goob jooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters uu sheegay in sidoo kale laga dareemay magaalada Shanghai.

Maamulka magaalada Taipei ayaa sheegay in aysan helin wax warbixin ah oo ku saabsan burbur weyn, MRT-ga magaaladuna uu shaqaynayey wax yar ka dib markii uu gariirku dhacay, halka Taipower oo ka shaqeysa korontada ay sheegtay in in ka badan 87,000 oo qoys oo ku nool Taiwan ay weli koronto la’aan yihiin.

Hawl-wadeennada tareenada xawaaraha dheereeya ee Taiwan ayaa sheegay in wax khasaare ah ama dhaawac ah aan laga soo sheegin tareenadooda, laakiin waxa la xusay in tareenada ay dib u dhici doonaan inta ay baadhitaannada samaynayaan.

Wakaaladda wararka ee rasmiga ah ee Taiwan ayaa sheegtay in dhul gariirku uu ahaa kii ugu weynaa ee jasiiraddaasi ku dhaca tan iyo 1999-kii markaasoo dhulgariir cabirkiisu ahaa 7.6 uu dilay ku dhawaad 2,400 oo qof uuna burburiyay 50,000 oo dhismo kaasoo ahaa mid ka mid ah dhulgariiradii ugu xumaa ee Taiwan.

Maamulka Cimilada Dhexe ee Taiwan ayaa sheegay in dhulgariirkan uu diiwangeliyay xadiga labaad ee ugu sarreeya degmada Hualien, marka loo eego cabbirka 1-7.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Daawo Axmed Madoobe “Doorasho kuma dhaceyso sida ay wax u socdaan & nooca afduub ee socda”

admin

Al Shabaab oo soo bandhigtay Gaadiid iyo hub ay ku qabsadeen Weerarkii Masagaway (Sawirro)

Cabdi Cade

Ukraine oo shaacisay iney soo riday 60 dayuuradood oo lagu soo weeraray (Sawirro)

Caydiid Ali