Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha ugu Da’da yar Afrika oo xil weyn ku abaal-mariyay Saaxiibkiisa siyaasadda

Madaxweynaha cusub ee dalka Senegal Bassirou Diomaye Faye ayaa tallaabadiisii ugu horreysay markii uu kursiga madaxtinnimo fariistay xil ugu magacaabay saaxiibkiisii siyaasadda Ousmane Sonko inuu noqdo ra’iisul wasaaraha dalkaasi.

Sonko, oo mucaarad mutuxan ku ahaa madaxweynihii hore ee Macky Sall, ayaa caan ku ah dhiiri galinta dhalinyarada ku nool dalkan ku yaal Galbeedka Afrika, laakiin waxaa laga mamnuucay doorashadii madaxtinnimo ee 24-kii March sababo la xiriira sumcad dil. Wuxu diiday inuu wax khalad ah sameeyay.

Wuxuu si wey ugu ololeeyey saaxiibkiisa muddadii ololaha isaga oo hal ku dhig ka dhigay “Diomaye waa Sonko,” Sonko wuxuu ku boorriyay taageerayaashiisa inay u codeeyaan ku-xigeenkiisa, Faye, kaasoo ugu dambeyn ku guuleystay in ka badan 54% codadka wareegii koowaad ee doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Faye, ayaa xilka madaxtinimada Senegal loo caleemasaaray Talaadadii shalay.

Isagoo hadlay magacaabistiisa kadib, Sonko ayaa sheegay inuu Madaxweyne Faye horgeyn doono liis dhammeystiran oo la xiriira magacaabista wasiirrada si loo ansixiyo.

“Ma jiri doonto su’aal ah in isaga (Faye) loo daayo kaligiis si uu u qabto mas’uuliyaddan culus,” ayuu yiri Sonko.

Xiriirka labadan nin ayaa xoogaystay xilligii doorashada lagu jiray ka dib markii labadaba xabsiga laga sii daayey laba toddobaad ka hor doorashada.

Sonko, oo hadda ah 79 sano jir ayaa sida shumaca ugu dhex ifay siyaasada dalkiisa isagoo taageero ka helay dhalinyarada Senegal oo ka niyad jabsan shaqo la’aanta baahsan iyo musuqmaasuqa ka dhex jira madaxda talada dalka haysay.

Dadka reer Senegal ayaa wajahaya heerar shaqo la’aan oo aad u sarreeya iyo sicirka cunnada kuwaas oo ka dhashay dagaalka Ukraine.

Faye iyo Sonko ayaa u ololeeyay ballan qaadyo ah in ay cirribtirayaan musuqmaasuqa.

Doorashada ka hor, madaxweynaha cusub ee Senegal ayaa soo saaray bayaan ku saabsan hantidiisa wuxuuna ugu baaqay musharaxiinta kale inay sidaas oo kale sameeyaan. Waxay ku taxay guri ku yaal Dakar iyo dhul ka baxsan caasimadda iyo magaaladiisa yar.

Xisaabaadka bangiga Faye ayaa wadar ahaan dhan $6,600. Qofka Muslimka ah ee ku dhaqma, waxa uu qabaa laba xaas oo labaduba goob joog ka ahaayeen caleemo saarkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo Qoraal Xasaasi ah ah u diray Wakiilada Beesha Caalamka (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Arrin muhiim ah kala hadlay Cindy McCain (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa Isa Sudhay Saxaafadda Madaxa banaan iyo Xukuumadda ?

Cabdi Cade