Ukraine oo shaacisay iney soo riday 60 dayuuradood oo lagu soo weeraray (Sawirro)

Ruushka ayaa bilaabay duulaankiisii ugu weynaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn muddo bilo ah kaasoo ka dhan ah Ukraine.

Duqa magaalada Kyiv ayaa sheegay in Ruushku uu 60 diyaaradood oo nooca Kamikaze-ka ah oo Iran lagu sameeyay ku soo weeraray bartilmaameedyo Ukraine ah, oo ay ku jiraan 36 ka mid ah kuwa caasimadda, kuwaasoo dhammaantood uu xusay in la soo riday, Burbur ayaa ku dhacay guryo iyo dhismayaal kale, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan shan qof caasimadda.

Bakhaar cunto ah oo ku yaalla magaalada Odesa ee badda madow ayaa lagu gubay gantaal, halkaasoo ay saraakiishu sheegeen in saddex qof ay ku dhaawacmeen.

Kyiv waxa uu sheegay in Moscow ay sidoo kale samaynayso dadaalkii ugu dambeeyay ee ay ku doonayso in ay ku qabsato magaalada Bakhmut.

Ukraine, oo sanadkii hore ka saartay ciidamada Ruushka dhufeysyadii caasimadda, isla markaana ka soo ceshatay dhul baaxad leh, ayaa ciidamadeeda ku haysay difaac lixdii bilood ee la soo dhaafay, balse waxay sheegtay inay diyaarinayso weerar xooggan toddobaadyada soo socda.

Ololihii jiilaalka ee Ruushka ayaa qabsaday ku dhawaad wax dhul ah, marka laga reebo agagaarka magaalada yar ee bari ee Bakhmut. Taliyaha ciidamada dhulka ee Ukraine Colonel General Oleksandr Syrskyi, oo booqday jiidda hore ee halkaas, ayaa Axaddii yiri: “Ruushka weli waxay rajeynayaan inay qabsadaan magaalada, Hawsheenu waa inaan ka hortagno.”

Ciidamada Ruushka ee jooga Bakhmut ayaa waxaa hogaaminaya Wagner oo ah ciidan gaar ah oo kumanaan maxaabiis ah ka qorey xabsiga. Madaxdeeda ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay ineyu ka bixi doonaan Bakhmut, iyagoo ku dhaleeceeyay ciidanka caadiga ah ee Ruushka inay ku guuldareysteen inay siiyaan dagaalyahannadiisa saanad ku filan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -