Allbanaadir.com
NEWS

Nin Soomaali ah oo si lama filaan ah Abiy Axmed ugu magacaabay Kuxigeenkiisa

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa si lama filaan ah siyaasi Soomaaliyeed oo kasoo jeeda dowlad deegaanka ugu magacaabay in uu noqdo Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Itoobiya.

Abiy Axmed ayaana wareegto uu soo saaray ugu magacaabay kuxigeenkiisa Aadan Faarax oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Federaalka Itoobiya iyo sidoo kale dowlad deegaanka uu kasoo jeedo.

Shir ka dhacay magaalada Adis Ababa oo ay isugu yimaadeen xisbiyada siyaasadeed ee Soomaalida ku jirto ayaa Ra’isul Wasaare Abiy Axmed waxa ay xubnaha Soomaalida weediiyeen sababta aysan Soomaalida uga soo muuqan xilalka sare ee dowladda.

Gabogabada shirka ayaana si lama filaan ah Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed xilka kuxigeenkiisa ugu magacaabay siyaasiga Aadan Faarax, si uu uga qanciyo Soomaalida ku badan Itoobiya.

Ninkan loo magacaabay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Itoobiya ayaa horey usoo noqday Afhayeenka Baarlamaanka Itoobiya sannadkii 2020-kii, waxa uu sidoo kale soo noqday madaxweyne kuxigeenka dowlad deegaanka intii u dhaxaysay 2018-kii ilaa 2020-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Mashaariic laga hirgalinayo Baraawe (Sawirro)

Cabdi Cade

Laba Milyan Oo Doollar Oo loo Diyaariyay Fulinta Qorshayaasha Ugu Horreeya ee Barnaamijka…

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo Dhagax-dhigay Warshad Nuuceeda dalka ku cusub yahay (Sawirro)

Cabdi Cade