Allbanaadir.com
NEWS

Daawooyin iyo waxyaabo kale oo maanka-dooriya oo la gubay iyo Madaale oo Digniin diray

Ciidamada ilaalada deegaanka ee dowladda hoose ee Xamar ayaa howlgalo ay ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka-dooriya ay inta badan isticmaalaan dhallinyarada.

Howlgalka ay ciidamada sameeyeen ayaana lagu soo qabtay maan-dooriyaha loo yaqaan taabuuga, kaniiniyaal iyo sidoo kale sharoobooyin la sheegay in loo isticmaalo maan-dooriye ahaan.

Ciidamada ilaalada deegaanka ayaa sidoo kale soo qabtay sigaar macmal ah oo nacnac ahaan loo soo sameeyay, kaa oo suuqyada magaalada Muqdisho loo iib keenay si carruurta yar yar dhaqankooda loogu lumiyo wax caadi ahna looga dhigo cabista sigaarka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaana dab qabadsiiyay maan-dooriyaasha iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya bulshada ay soo qabteen ciidamada ilaalada deegaanka Xamar oo markan loo xil saaray kahor taga dhaqan-xumada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa mar kale digniin adag u diray ganacsatada magaalada keenta waxyaabaha maanka-dooriya iyo waxyaabaha kale ee dhaqanka wax u dhimaya.

Waxa uu sheegay guddoomiye Madaale in ciidamada kordhin doonaan howlgalada lagula dagaallamayo maan-dooriyaha iyo dhaqan-xumada, waxa uuna waalidiinta uga digay in carruurtoda u iibiyaan nacnaca sigaarka ka sameysan .

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dhaqan-xumada iyo isticmaalka maan-dooriyaha, waxaana magaalada ka furan hoteelo iyo goobo kale ay inta badan isugu tagaan dhallinyarada isticmaasha maan-dooriyaha .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Warar kala duwan oo kasoo baxaya xaalada iyo halka uu joogo Madaxweyne John Magufuli

Cabdi Cade

Ciidanka Xoogga dalka oo ATMIS kala wareegay saldhig Milateri oo istaraatiji ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo tagay Saldhigii Al Shabaab weerareen ee Owdhiigle

Cabdi Cade