Raisul Wasaare Rooble mala qiyaanay mise ogaal ayuu sidan u sameeyey? (Sawiro)

Ceeb iyo fadeexad yaab leh ayaa ka taagan mashruuca xarunta gurmadka Qaranka ee uu dhagax dhigay raisul wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ka dib markii ay soo shaac baxday in mashruucan uu ka mid ahaa mashaariic uu sanad ka hor dhagax dhigay RW hore Xasan Cali Khayre.

13-kii bishii October ee sanadkii 2019-kii ayuu Kheyre ka qeyb galay munaasabad lagu billaabayay dhismaha xaruntaas, oo uu sheegay abuuriddeeda ay ku timid baahi weyn oo loo qabay.

Bogga rasmiga ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa la soo galiyay muuqaal laga soo duubay dhagaxdhigga Xarunta Gurmadka Qaran, iyadoo dhagax dhigan labaad uu muujinayo in la marin habaabiyey RW cusub, taasoo banaanka soo dhigtay in Rooble uusan ka war heynin waxqabadkii xukuumadii ka horeysay maadaama uusan xilka kala wareegin RW hore.

Qarixii Soobe oo sababay in la aasaaso Xarunta Gurmadka Qaranka ayey ku dhinteen dad kor u dhaafayay 600 oo ruux, oo dhammaantood rayid ahaa.

“In xaruntan la dhagax dhigo waxay ka dhalatay dhacdo xanuun badan oo ay u gurmadeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, wiilal iyo gabdho isxilqaamay oo halkan ku shaqeeyay markii ay nagu dhacday dhacdadii 14-ka October, warbixintii ay la wadaageen xukuumadda ayaa waxay ahayd in la dhiso xarun gurmad qaran oo mustaqbalka umadda loogu adeego.” Erayadaas ayaa ka mid ahaa khudbaddii uu Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre ka jeediyay munaasabaddaas.

Hase ahaatee sanad ka dib RW Rooble ayaa isla goobtii ku dhagax dhigay dhismaha xaruntan gurmadka deg deg ah taasoo lagu beegay isla munaasabada 14-ka Oktoobar waxayna dad badan ku abuurtay arrintan yaab iyo amakaag, welina kama hadlin xafiiska RW Somalia, iyadoo dhacdadan si weyn u qabsatay baraha bulshada oo si weyn looga hadal hayo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -