(Sawirro) Ciidanka NISA oo qabtay rag qaraxyo ka geysan rabay Muqdisho

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo ka tirsanaa al shabaab kuwaasoo doonayay inay falal amni darro ka gaystaan magaalada Muqdisho

sida ay sheegtay warbaahinta DF Xilliga ay qabanayeen ciidamada labada nin ayaa waxay gacmaha ku wateen Qaraxyo ama bambooyin ay damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Mid ka mid ah labada nin ayaa waxaa ka muuqda dhaawac fudud oo kaga yaalla wejiga kaasoo aan la sheegin sida uu ku soo gaaray.

“Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa saacad kasta u taagan sugidda amniga magaalada iyagoo wada shaqayn buuxda ka helaya muwaadiniinta Soomaaliyeed’ ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay NISA.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA faahfaahin kama bixin sida uu u dhacay howlgalkaas iyo goobta laga soo qabtay labada nin ee bambooyinka ku hubeysan.

- Advertisement -