Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia oo ka jawaabtay cabashada ka soo yeertay Kenya

Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa jawaab taxadar leh ka bixisay go’aankii ay dowladda Kenya kaga dalbatay safiirka Somalia inuu dalkeeda ka baxo, iyo tallaabadii ay ku sheegtay in Somalia ay iib geysay qeyb ka mid Badda Kenya si shidaal looga baaro.

Qoraalka Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia kasoo baxay ayaa jawaab u ahaa cabasho ka timid dowladda Kenya 8-da Febraayo 2019 oo ay Kenya uga cabatay shirkii London ee 7-da Febraayo oo ay Soomaliya ku soo bandhigtay Maabka shidaal baarista Soomaaliya.

Dowladda Somalia waxay ku adkeyastay inay iyadu leedahay dhulka ka muuqda maabka lagu soo badhigay shirkii London, aysana ku jirin dhul badeedka lagu muransan yahay ee dacwadiisu taallo maxakmadda ICJ, go’aanka dowladda Somaliyana uu ka tarjumayo waajibaadka ka saaran inay ilaaliso midnimada dhulkeeda iyo qaranimadeeda.

Waxaa Qoraalka lagu sheegay in Dowladda Somalia ay aad uga xun tahay in Kenya ay sheegto xaraash lagu bixinayo bad ay leedahay, Soomaaliyana aysan xilligan kuna talo jirin in xuduud badeedka lagu muransan yahay laga iibiyo shirkado baaraya inta dacwadda badda ee taalla maxkamada adduunka kasoo dhammaaneyso. iyadoo Soomaaliya ay si buuxda ugu hoggaansami doonto go’aanka Maxkamadda.

“Dowladda Somalia waxay si weyn uga xun tahay in dowlada Kenya ay Safiirka Somalia ka dalbato inuu ka tago Kenya, iyadoo aan wax la-tashi ah kala sameyn dowladda Somalia..” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa qoraalka ku sheegay in Kenya iyo Somalia ay wadaagaan xiriir dhinacyo kala duwan, dhaqan iyo iskaashi qoto dheer, waxaana Soomaaliya ka go’an in xiriirkaas la xoojiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -