Kirada Guryaha kuyaala Dhuusomareeb oo gaaray meeshii ugu sareysay (Waa Imisa)

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa xiligan ka jira mashquul badan, waxaana magaaladaasi gaaray dad badan oo ka kala yimid dalka dibadiisa iyo magalaooyin kala duwan oo dalka kuyaala.

Waxaa sidoo kale magaalada dhuusomareeb jooga masuuliyiin katirsan dowlada federaalka, musharaxiin iyo siyaasiyiinĀ  u tagay doorashada la filayo in dhawaan ka dhacdo magaalada .

Inta badan Musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa kireestay guryo badan ay ka dhigteen deegaan iyo kuwa ololaha u adeegsadaan, waxaana hada adag in la helo guryo badaan oo kiro ahaan loo dego.

Kirada guryaha kuyaala dhuusomareeb ayaa sare u kacay, waxaana guryaha filada ah hada lagu kireenayaa lacag u dhaxeysa 2-kun Dollar ilaa shan kun oo dollar bishii, waxaana xusid mudan in guryaha aan la kireeneyn bil kaliya balse lagaa doonayo kireestaha in labo ama sadex bil oo horumaris ah bixiyo.

Inta badan dadkii lahaa guryaha iyo kuwii degnaa ayaa isaga guuray magaalada, waxa ayna degeen guryo kale oo banaanka magaalada kuyaala si guryahooda ugu helaan kiro ugana sameeyaan lacag badan.

Guryaha kuyaala magaalada dhuusomareeb ay dagan yihiin musharaxiinta iyo madaxda qaar ayaa u badan kuwa dhawaan laga dhisay magaalada , waxaana inta badan iska leh ganacsato deegaanka kasoo jeeda iyagoona qeyb ka qaatay bilicda magaalada.

Waxaa sidoo kale sara u kacay kirada hoteelada kuyaala magaalada dhuusomareeb, waxaana halkii qol habeenkii Hoteelada lagu kireenayaa lacag gaareysa 50-dollar halka markii hore la kireen jiray lacag ka yar 20- dollar.

Magaalada dhuusomareeb ayaa dhaqaale badan ka sameeneysa doorashada Hogaanka Galmudug, waxaana magaalada hada laga dareemayaa horumar iyo isbadal badan, waxaana magaalada soo gashay dhaqaale aad u badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -