Mid kamid ah Fannaaniinta Soomaaliya ugu caansan oo fanka isaga baxday

Fannaanada caanka ah ee Maryan Mursal Ciise Bootaan, oo kamid aheyd fannaaniinta hoobalada Qaranka ee Waabari muddo 40-sanno ka badana fanka kusoo jirtay ayaa shaacisay in gabi ahaan fanka isaga baxday.

Maryan Mursal ayaa xalay munaasabad ka dhacday magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska ku shaacisay in gabi ahaan isaga baxday fankii ay sanadaha badan kusoo dhax jirtay, iyadoona duco ka dalbatay dadka Soomaaliyeed.

“Caawa Fankii aan sanadaha badan kusoo jiray ayaan joojiyay, ii soo duceeya in ilaaheey iga masaxo, waxaana ilaahey weediisanayaa in uu iga cafiyo dambigii aan kusoo dhax jiray” ayay si khiiro leh u tiri fannaanada Qaran ee Maryan Mursal Ciise .

Fannaanada Maryan Mursal ayaana munaasabada ka dhacday magaalada London lagu guddoonsiiyay abaal-marin, waxaana fannaanadan ay kamid aheyn kuwa Soomaalida loogu jecel yahay aadna loo dhageesto heesaheeda lana jeclaa hab jiliinkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -