Wariye ka howlgalayay Telefishin kuyaalla magaalada London oo toorey lala dhacay

Wariye mucaarad ku ah xukuumadda Iran kana howlgalayay telefishin fadhigiisu yahay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska ayaa toorey lagu dhaawacay, kaddib markii lagu weeraray meel u dhaw gurigiisa.

Pouria Zeraati, oo 36 jir ah ayaa toorey lagu dhaawacay xilli uu ku sugnaa bannaanka gurigiisa, waxaana wariyaha loola cararay isbitaal oo hadda lagu daweenayaa , waxaana la sheegay in xaaladiisa aysan aheyd mid halis ah.

Saraakiil katirsan booliiska magaalada London ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaanno ku aadan weerarkan lagu qaaday wariyaha, waxaana baarista kiiskan loo xil saaray saraakiil ku takhasusay la dagaallanka argagaxisada.

Wariyaha tooreyda lagu dhaawacay ayaa katirsanaa Warbaahinta Iran International oo mucaaradka ku ah dowladda Iran, warbaahintan ayaana si weyn u baahisay mudaharaadyadii dowladda sida weyn looga soo horjeeday ee dhacay sannadkii 2022-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -