Allbanaadir.com
NEWS

Wadahadalkii Doha uga socday Xamaas & Israa’iil oo mar kale burbur qarka u saaran

Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu sii wadayo qorshihiisa uu ku doonayo inuu meesha kaga saaro Xamaas, isaga oo dhinaca kalena dhaleeceeyey qaraarkii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa, in la gaaro heshiis xabbad-joojin ah oo degdeg ah.

Sarkaal sare oo u hadlay Xamaas ayaa sheegay inay la wadaageen kooxaha dhexdhexaadinta wada, inaanay waxba iska bedelin dalabaadkoodii hore ee ahaa, in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo marinka Qaza iyo in la isdhaafsado maxaabiista Israa’iil iyo kuwa Falastiinyiinta ee ay Israa’iil gacanta ku hayso.

Netanyahu ayaa dalabaadka Xamaas ku tilmaamay inay yihiin kuwo dhalanteed ah, isaga oo sheegay inuu sii wadayo dagaalka illaa uu ka gaarayo ujeedada ay u qaadeen, oo ay ka mid tahay in la sii daayo maxaabiista, in la burburiyo awoodda milateri ee xamaas iyo nidaamkooda dawliga ah, isla markaana ay tahay inay hubiyaan inaanay Gaza noqonin meel halis ku ah amniga Israa’iil.

Sarkaal sare oo u dhashay Israa’iil ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay Qatar dib ugaga yeereen xubnihii ku metelayey wadahadalada, ka dib markii la is mari waayey, gaar ahaan in Xamaas ay sii dayso maxaabiista ay hayso.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Maxaas si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Boqor William oo warqadaha aqonsiga ka gudoomay danjiraha cusub ee Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Nin gowrac lagu dilay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali