Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo hal qodob ku heshiiyey

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Catriona Laing, kulankaan ayaa ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo ahaa mid miro-dhal ayaa looga wada hadlay arrimaha horumarinta Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya iyo guushii Dowladda ee hannaanka deyn cafinta oo muddo dheer kadib soo gaba-gaboobay.

Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige oo soo saaray qoraal kooban bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in ay isla meel dhigeen Wakiilka UN-ka ahmiyadda ay leedahay in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta iyo kobcinta dakhliga gudaha ee Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Wakiilka UN-ka ee Soomaaliya Marwo Catriona ayaa dhankeeda sheegtay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu diyaar u yahay xoojinta wadashaqeynta iyo taageeridda qorshayaasha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka.

Related posts

Golaha Musharixiinta oo aqbalay qorshe cusub oo xal loogu raadinayo Khilaafka doorashada

Caydiid Ali

Daawo :-Aaskii Qaran ee loo sameeyay Guddoomiyihii Degmada Hodan & Mas’uuliyiin isugu jirtay ..

admin

Waa kuma Ninka sababay in Hindiya iyo Pakistan ay is fara-saaraan ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---