Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Mandheera iyo howlgal socda

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka hotel yar oo kuyaalla bartamaha magaalada Mandheera, aaga uu qaraxa ka dhacay ayaa aad ugu dhaw saldhigga ciidanka booliiska ee magaalada Mandheera.

Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, booliiska ayaan wali faah faahin badan ka bixin khasaaraha inta uu gaarayo.

Ciidamada booliiska ayaana wada howlgalo baaritaano ah oo ku aadan qaraxa maanta dhacay, waxaana la sheegay in ciidamada hareereeyeen aagga uu qaraxu ka dhacay ayna wali halkaasi howlgalo kawadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibad baxyo iyo Caro xoogan oo ka dhalatay Been ay sheegtay dowlada Iran (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nin fal aad looga carrooday ka geestay magaalada Garawe oo xabsiga la dhigay

Cabdi Cade

Miis uu raashin ku cunay Madaxweyne Caan ahaa oo loo daawasho tago (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---